Dhageyso: Dab xalay ka kacay suuqa Madiino ee Degmada Wadajir oo qasaaro kala duwan geystay

Dhageyso: Dab xalay ka kacay suuqa Madiino ee Degmada Wadajir oo qasaaro kala duwan geystay

January 25, 2019 0 By walaal24

 

Dab xalay ka kacay suuqa Madiino ee Degmada Wadajir oo qasaaro kala duwan geystay waxaana dabkaasi uu bur buriyey qaybo kamid ah suuqa gaar ahaan halka lagu magacaabo Qandalada, waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab kaas  xalay waqti danbe.

Markuu dabku kacay waxaa si deg deg ah u gaaray goobtaasi kooxaha gurmadka deg dega ah, kuwaas oo xalay saq dhexe ku guulaystay in ay damiyaan dabka.

Si rasmi looma xaqiijin karo waxyaabaha sababay dabka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in ay tirakoob ay ku samayn doonaan khasaaraha dabkaasi.

Taliyaha Saldhig Galbeed ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaano lagu samayn doono waxyaabaha soo cel celiyey gubashadda suuqyadda Muqdisho islamarkaana la xisaabtami doonaan shirkaddaha Korontada bixiya ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay deminta dabkaas,isla markaana ay gurmad weyn u soo sameeyeen Gawaarida Gurmadka Shirkadda Hormuud,Mamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Deeyniile.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinaayo kooxaha gurmadka deg dega ah oo ugu horeyso shirkadda oo Hormuud oo dadaal badan ku bixiyey in dabka uusan gaarin goobo kale oo kamid ah suuqaasi.

 

Halkan hoose ka dhageyso cododka Mas’uuliyiinta:-

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/01/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/01/

https://i2.wp.com/puntlandtimes.ca/wp-content/uploads/2019/01/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/01/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/01/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/01/

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/01/

 

 

https://i0.wp.com/puntlandtimes.ca/wp-content/uploads/2019/01/