Dhageyso: Wasaarada Amniga Puntland oo digniin Amni soo saaray inta lagu guda jiro Xaflada Caleemo saarka

Dhageyso: Wasaarada Amniga Puntland oo digniin Amni soo saaray inta lagu guda jiro Xaflada Caleemo saarka

January 24, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirka Amniga maamul Goboleedka Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf ‘Dowlad’ ayaa sheegay in dadka shacabka looga baahanyahay in la digtoonaado qatar Amni ay geesan karaan dadka ka soo horjeeda maamulka Puntland oo ula jeedo Al-shabaab iyo Daacish.

Waxaa kaloo uu sheegay  in Puntland ay leedahay Cadowyo kala duwan dadka ku dhex jira, hasa yeeshee Shacabka iyo Ciidamada ay digtoonadaan maalinta xaflada Caleemo saarka.

Intaasi ku daray iney imanayaan wafuud kala gedisan ay ku jiraan madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada, loona baahanyahay in Amniga lagala shaqeeyo Ciidamada.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso Wasiirka Amniga:-

Facebook Comments