Cristiano Ronaldo oo qirtay dambi la xiriira inuu qiyaameeyey lacag canshuur ah.

Cristiano Ronaldo oo qirtay dambi la xiriira inuu qiyaameeyey lacag canshuur ah.

January 23, 2019 0 By walaal24

 

Cristiano Ronaldo ayaa qirtay dambi la xiriira inuu qiyaameeyey lacag canshuur ah, weeraryahanka kooxda Juventus ayaa dacwadaha la xiriira kiiskan ee loo haystay waxay la xiriiraan waqtigii uu la joogay kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Ronaldo ayaa shalay mudo 45 daqiiqo ah kasoo hor-muuqday maxkamad, halkaasi oo uu ku saxiixay heshiis uu ku ogolaaday inuu bixiyo 21.6 milyan oo dollar oo ganaax ah.

Ronaldo ayaa sidoo kale lagu xukumay laba sano oo ah xabsi dib loo dhigay oo macanaheedu yahay, in haddii lacagta uu bixiyo uusan qaadan doonin.