Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Degmada Beledweyne oo ka wada hadlay Iskaashiga Dawladaha Hoose

Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Degmada Beledweyne oo ka wada hadlay Iskaashiga Dawladaha Hoose

January 20, 2019 0 By walaal24

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan qeyb ka ah kulamadii lagu xoojinayay xiriir Dawladda Hoose ee Muqdisho ay la leedahay Dawladaha hoose ee Magaalooyinka Waaweyn ee dalka la qaatay Duqa Degmada Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa tilmaamay in ujeedku uu yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga kala dhaxeeya Dawladaha Hoose ee dalka, gaar ahaan adeegyada bulshada iyo dhismaha Maamul hoosaadka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa xusay Maamulka Gobolka Banaadir uu muddooyinkii la soo dhaafay waday qorsheyaal lagu adkaynayo xiriirka Dawladaha Hoose ee dalka, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin.

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhankiisa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Duqa Beledweyne. Iyadoo lagu wareejiyey gaari Bas ah oo loogu adeegayo bulshada.

Duqa Beledweyne Mudane Khadar Xasan Afrax ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta iyo iskaashiga lagu adkaynayo Maamul hoosaadyada dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir isagoo ka duulayo baahida loo qabo xoojinta iyo iskaashiga Dawladaha hoose ee dalka ayuu wadatashiyo lagu adkaynayo iskaashiga Dawladaha Hoose waxuu bilihii la soo dhaafay la qaatay qaar kamid ah Madaxda Dawladaha Hoose ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/01/

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/01/

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/01/

Facebook Comments