
Madaxweyne Trump oo ku goodiyay inuu dhaqaalaha Wadanka Turkiga dhulka ku dari doono
January 14, 2019
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku gooddiyay “inuu dhulka ku dari doono dhaqaalaha Waddanka Turkiga” haddii uu Turkigu weeraro xoogagga Kurdiyiinta ah ee ku sugan gudaha Suuriya, kadib marka la hirgaliyo qorshaha uu Mareykanka ciidamadiisa uga saarayo Suuriya.
Labo qoraal oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Trump ku sheegay in sidoo kale uusan dooneynin in Kurdiyiinta laftoodu ay isku taagaan ama ka careysiiyaan Turkiga.
Ciidamada Mareykanka ayaa ka barbar dagaallamay Maleyshiyaadka Kurdiyiinta, xilli ay Waqooyiga Suuriya isku fara saareen iyaga iyo kooxda isku magacawday khilaafada islaamka ee Daacish.
Hase ahaatee, dowladda Turkiga ayaa kooxda kurdiyiinta ah ee magacooda loo soo gaabiyo YPG u aqoonsan dhaqdhaqaaq argagixiso ah.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa si caro leh uga hadlay taageerada uu Mareykanka u muujiyay Kurdiyiinta ku sugan Suuriya, wuxuuna wacad ku maray inuu burburin doono kooxdaas.
Hadalka Mr Trump ayaa daba socday cambaareyn hor leh oo loo jeediyay go’aankiisa ku qotoma in ciidamada Mareykanka laga saaro Suuriya.
Mas’uul heer sare ah oo ka tirsan boqortooyada Sacuudiga, oo lagu magacaabo Amiir Turki al-Faisal, ayaa BBC-da u sheegay in ka bixitaanka Ciidamada Mareykanka ay ka dhalan karto saameyn dhanka khaldan ah, isla markaana ay ka faa’iideysan karaan Iiraan, Ruushka iyo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad.
Xog hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa hadda ku sugan magaalo madaxda dalka Sacuudiga ee Riyaad, waxaana booqashadiisa ay qeyb ka tahay safar uu ku marayo guud ahaan dalalka bariga dhexe, si uu dib ugu xaqiijiyo xulafada dowladda Mareykanka ee gobolkaas.
Madaxweynaha ayaa difaacay go’aankiisa ku saabsan saaritaanka ciidamada, isagoo sheegay in xilli kasta dagaallameyaasha Daacish ay weerarro kala kulmi doonaan saldhigyada aan la cayimin “ee ku yaalla meelaha u dhow”.
Ma uusan faahfaahin sida ay waxyeellada u gaari doonto dhaqaalaha Turkiga, haddii uu weeraro kooxda YPG. Mr Trump ayaa sidoo kale xusay in la abuuri doono “khadka nabdoon ee 20-ka mile ah”, kaasoo wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Barbara Plett Usher ay sarbeebtay inuu qeyb ka yahay xal uu Mr Pompeo isku dayayo inuu wada xaajoog ku galo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in Ruushka, Iiraan iyo dowladda Suuriya ay yihiin kuwa ay danta ugu weyn ugu jirtay dhaqdhaqaaqyada Mareykanka ee gudaha Suuriya laakiin hadda la gaaray xilligii ay ciidamada Mareykanka dib ugu soo noqon lahaayeen waddankooda.
“Argagixisadu ma noqon karaan kuwo xulafo kuu ah”, ayuu yiri.
Madaxweyne Trump ayaa bishii lasoo dhaafay ka yaabiyay waddamada isbahaysiga la ah, isagoo cambaareyn gudaha ahna la kulmay ka dib markii uu amar ku bixiyay in ciidanka Mareykanka si deg deg ah looga soo saaro dhul lagu qiyaasay 30% ka mid ah waddanka Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogagga mucaaradka Suuriya ee ay hor kacayaan ururka Kurdiyiinta ah ee YPG.
Facebook Comments