Dowladda Turkiga oo si caro leh jawaab ka bixisaya hanjabaadda Madaxweynaha Mareykanka

Dowladda Turkiga oo si caro leh jawaab ka bixisaya hanjabaadda Madaxweynaha Mareykanka

January 14, 2019 2 By walaal24

 

Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabay hanjabaadda madaxweyne Trump ee ah inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weeraro xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama Suuriya. Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu ciidamadiisa ka joogo Suuriya uuhalkaasi kala soo baxo.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in hadalka Trump ay muujineyso cadaadiska Trump ee saran eek u wajahayo dalkiisa.

Wuxuu sheegay in aysan habooneyn in xiriirka saaxibtinmo ee ka dhexeeyo Turkiga iyo Mareykanka aanan looga hadlin baraha bulshada.

Image result for Ibrahim Kalin

Ibraahim Kalin oo ah afahayeenka madaxweynaha Turkiga Regep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay filayaan in Mareykanka uu qaddariyo saaxibtinimada kala dhexeeyso ee dhanka iskaashiga gobolka.

Qoraallo is xig-xigay uu barta Twitter-ka kusoo qoray madaxweyne Trump wuxuu sheegay in booqashada xoghayaha arrimaha dibadda uu ku marayo gobolka bariga dhexe ay aag nabdoon u abuureyso maleeshiyaadka Kurdiyiinta si aanan weerar loogu qaadin.

Mareykanka wuxuu maleeshiyaadka Kurdiyiinta ugu baaqay inaysan dandaansanin Turkiga.

Facebook Comments