Dhageyso: Wasiirka Kalumeysiga “Dadkii Soomaaliya Badaheeda uga kalumeysan jiray si sharci daro ah oo ka soo horjeeda si sharci ah looga kaluumeysto”

Dhageyso: Wasiirka Kalumeysiga “Dadkii Soomaaliya Badaheeda uga kalumeysan jiray si sharci daro ah oo ka soo horjeeda si sharci ah looga kaluumeysto”

January 13, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo Xafiiska  Saxaafadda Kula hadlayay ayaa ka warbixiyay dhawaan Shirkado ay shati siisay Wasaaraddu .

Shir jaraaid uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu kaga hadlayay dadaalka wasaaradd aay ugu jirtohorumarinta howlaha horyaala.

Wasiir Cabdulaahi Bidhaan ayaa sheegay in si daah furan u bixisay wajigii koowaad ee bixinta shatiga Kalluumaysiga iyadoona lagu bilaabay 31 Markab oo laga leeyahay Dalkaas Shiinaha kuwaas oo baahi wayn u qaba Kalluunka nooca loo yaqaan Tuna-ha oo badena ku badan.

“Waan maqlay ayaamahan WhatsAp yada maseejyo la soo gudbinaayo oo Dad uun aan is leeyahay  ama qaarkood xog mahayaane wax uun bey iska een, qaarkood xog mahayaane wanaag uun bey ula jeedaan iney yiraahdaan bal  ilaaliya, Bada Soomaaliya inaan lagu xadgudbin” waa sida uu yiri Wasiir Bidhaan

“qaarna ay ujeedo ka leeyihiin oo aan aamin sanahay iney yihiin Dadkii Soomaaliya Badaheeda uga kalumeysan jiray si sharci daro ah oo ka soo horjeeda si sharci ah looga kaluumeysto een si markaa ayaga loo soo qab qabto ama meesha uga baxaan”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay u raadinayso khayraadka Kalluunkeena Maalgelin iyo suuq-gayn Wadamada deriska nala ah iyo dalal kale oo caalamka kamid ah. .

Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiir Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in aysan Waxba ka Jirin hadalada dadku Isla dhexmarayaan ee sheegaya in Wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta wax Xaalufiya,kuwaasi oo  lidi ku ah Sharciga Kalluumaysiga ee Baarlamaanka meel mariyay .

 

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Wasiir Bidhaan:-

Facebook Comments