Africom oo weerar cirka ku qaaday kooxda Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Africom oo weerar cirka ku qaaday kooxda Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose

January 9, 2019 0 By walaal24

 

Bayaan kasoo baxay howl-galka Africom, ayaa lagu sheegay in Laba duqayn oo ay Diyaaradahooda oo kaabaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka geysteen Isniintii Todobaadkan Tuulada Baqdaad ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dileen Afar ka mid ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan Afar xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Gobolka Shabeellada hoose.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeyn kale oo Axaddii ka dhacday meel ku dhow degaanka Dheeroow Sanle, ee isla Gobolka Shabeellada hoose lagu dilay Lix xubnood oo ka mid ahaa Al-Shabaab.

Howl-galka Maraykanka ee Africom, ayaa sheegay in duqeymahan ka dhacay Todobaadkan Gobolka Shabeellada hoose ayan dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaarin Dadka rayidka ah.

Facebook Comments