Dhageyso: Taliska Ciidanka Boliiska Puntland oo magaalada Garowe ku soo rogay Bandow

Dhageyso: Taliska Ciidanka Boliiska Puntland oo magaalada Garowe ku soo rogay Bandow

January 7, 2019 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe lagu soo rogay Bandow, xili maalinta beri ah ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa goor dhoweyd warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa sheegay in xaalad bandow ah oo xidhiidha dhaq dhaqaaqa baabuurta ah lagu soo rogay shacabka magaalada Garowe laga bilaabo Shanta galabnimo ee maanta ilaa ay ka dhacayso doorashada madaxtinimada Puntland.

Waxaan jiri doonin wax gaadiid ah oo gudaha magaalada Garowe lagu dhex arki doono ilaa maalinta beri ah, waxaana sidoo kale ciidamo lagu daadiyey qaybaha kala duwan ee magaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan cidna ka bixi doonin cidna soo gali doonin magaalada Garowe inta ay socoto doorashadu laga bilaabo galabta halka musharaxiinta iyo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland iyaguna loo ogol yahay gaadiid kooban.
Halkan hoose ka dhageyso hadalka Taliyaha:-

Facebook Comments