Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo baaq u soo diray Dowladda Soomaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo baaq u soo diray Dowladda Soomaliya

January 2, 2019 0 By walaal24

 

War ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyey weerarkii Hoobiyayaasha ee shalay lala beegsaday Dhismaha QM ku leedahay Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu falkaasi xadgudub ku yahay Qaanuunka Caalamiga ee Arrimaha Smaafalka.

Hobiyaashii lagu weerara Xerada Xalne ayaa dhismaha gudaha u galay, waxaana dhaawac ka soo gaaray laba xubnood oo shaqaalaha QM ah iyo hal qandaraasle. Dhibaatooyinkaas midkoodna halis uma ahan.

Mr. Guterres wuxuu u rajeeyay dadkii dhaawaca ahaa soo kabsashadii degdegga ahaa waxayna ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay “baaraan weerarrada ayna si deg deg ah u keenaan kuwa mas’uulka ka ah caddaaladda.”

Xoghayaha Guud wuxuu xaqiijiyay in “ficilada noocan oo kale ah ayan hoos u dhigi doonin go’aanka adag ee Qaramada Midoobay si ay u sii wadaan taageerada dadka iyo xukuumadda Soomaaliya dadaalkooda ah inay dhisaan nabadda iyo xasilloonida dalka.”

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Xerada Xalane.

Facebook Comments