Ra’iisal wasaare Kheyre oo tacsi u diray Eheladii iyo Qarabadii uu ka geeriyoda Xildhibaan Axmed Mayow Abdulle

Ra’iisal wasaare Kheyre oo tacsi u diray Eheladii iyo Qarabadii uu ka geeriyoda Xildhibaan Axmed Mayow Abdulle

December 31, 2018 0 By walaal24

 

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray Ehalada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush), wuxuuna Alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo, Ehaladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ku tilmaamay inuu marxuum Axmed Mayow Abdulle uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka, islamarkaana shaqo badan u soo qabtay dalka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka, sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Facebook Comments