Haweeney loo magacabay Wasiirad ka dibna is casishay markii la ogaaday Walaalked uu ahaa Daacish

Haweeney loo magacabay Wasiirad ka dibna is casishay markii la ogaaday Walaalked uu ahaa Daacish

December 31, 2018 3 By walaal24

 

Wasiiradd loo magacaabay Wasaaradda Tacliinta ee Dowladda Iraq Shayma Khaliil Al-hayali ayaa is-casishay maalmo kadib markii ay mudanayaasha Barlamaanka ansixiyeen magacaabisteeda.

Is-casilaadeeda ayaa timid, kadib, markii ay ogadeen kooxda Sirdoonka sheegeen inuu Walaalkeeda oo lagu magacaabo Layth Khaliil Al-hayali ahaa Hoggaamiyihii Kooxda Daacish ee magaalladda Mosul muddadii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2016-kii.

Sirdoonka waxay kaloo sheegeen in 2 wiil oo uu dhalay Layth Khaliil Al-hayali lagu dilay dagaalkii Kooxda Daacish looga saaray magaalladda Mosul sannadkii 2016-kii.

Dhinaca kale Wasiiraddii Tacliinta ee Dowladda Iraq ee is-casishay Shayma Khaliil Al-hayali ayaa la sheegay inay Ra’isul wasaare Caadil Cabdul Mahdi u gudbisay qoraalkii ay isku casishay.

Wasiiradda oo ka tirsan Isbahaysiga Al-Binna ee taageersan Dowladda Iiraan waxay sheegtay in Walaalkeeda lagu khasbay inuu la shaqeeyo Kooxda Daacish, looguna hanjabay in la dili doono.

ARIMAHA SOOMAALIYA

Soomaaliyana waxaa ka jira Nin gacantiisa dadku laayay ama Walaalkiis iyo Walaashiis Xil loo dhiibaayo ee aan laysu fiirineynin muxuu qofkana ahaa, Dastuurka Soomaaliyana waxaa ku qoran in qofkii faldanbiyeed Gala uu san Xil u tartamikarin, hadaba waaba yaabe miyaan shuruucda iyo mida bini’aadanimo la fiirineynin.

Dad badan oo Dowlada Soomaliya ka tirsan ama doonaayo iney ka mid noqdaan oo gacan ku dhiiglayaal soo ahaa qaarna weli gacmaha kula jira ayaa la soo dhaweynayaa, Qabaa’ilada Soomaliyeedna qaar ka mid ah xumahoodeen taageeraan..

 

 

Aragtidaada ka dhiiibo waa muhiim:-

Facebook Comments