Dhageyso: Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo baaq nabadeed uga diray colaada ka taagan Maxaas iyo Kaxandhaale

Dhageyso: Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo baaq nabadeed uga diray colaada ka taagan Maxaas iyo Kaxandhaale

December 29, 2018 0 By walaal24

 

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shirguddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha, kulanka maanta ee guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay joojinta dagaal beeleedyada ka socda qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Geba-gebada kulanka ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay ku-xigeenka xoghayaha Golaha Aqalka sare Axmed Yuusuf.

Wuxuuna sheegay iney muhiim tahay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada ka dhacaya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Senator Maxamed Cismaan Dhagajuun iyo Senator Jawaahir Axmed Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Madaxda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ugu baaqay iney ka qeyb qaataan nabadeynta beelaha walaalaha ee diriraya.

Dowladda Federaalka ayaa wafdi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano u dirtay deegaanada ay ka jiraan colaad beeleedyada si ay joojiyaan dagaalada,nabadna u kala dhex dhigaan dhinacyada dagaalamaya.

 

Halkan hoose ka dhageyso+Sawiro:-

Facebook Comments