Dhageyso: Gudiga Joogtada Aqalka Sare oo ugu baaqay in loo gurmado dadka waxyeelada ka soo gaareen Qaraxyadii shalay

Dhageyso: Gudiga Joogtada Aqalka Sare oo ugu baaqay in loo gurmado dadka waxyeelada ka soo gaareen Qaraxyadii shalay

December 23, 2018 0 By walaal24

 

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad ayaa maanta shirguddoomiyey kalafadhiga afaraad kulankiisa tobanaad ee Guddiga joogtada ee  Golaha Aqalka Sare.

Kullanka maanta ayaa ayaa diirada lagu saaray Qaraxii shalay ka dhacay Xaawo Taako iyo Qubaro kulanka looga dhageystay nidaamka Federaalka.

Senator Cabdkaafi Macallim Xasan oo ah Hab-dhowraha Golaha Aqalka sare ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha kale ee looga hadlay kullanka, wuxuuna sheegay in warbixin looga dhageystay Quburo ku xeel dheer nidaamka Federaalka iyo dowrka Aqalka sare ee ilaalinta danaha Dowlad Gobolleedyada.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad oo kullanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa tacsi u diray ehalada iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho, isagoona dhinaca kale caafimaad rabi uga baryayay dadkii dhaawacmay.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ayaa Xukuumadda gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka, Baarlamaanka iyo shacabkuba ugu baaqay in loo gurmado dadka waxyeelada ka soo gaareen Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalada Habdhowraha iyo Gudomiye ku xigenka labaad+Sawiro:-

Facebook Comments