Dhageyso: Mahad Cawad “in aan lagu shiri Karin Xarunta Guddiyada Golaha Shacabka inta uu jiro khilaafka ka dhashay moshinkii Madaxweyne…

Dhageyso: Mahad Cawad “in aan lagu shiri Karin Xarunta Guddiyada Golaha Shacabka inta uu jiro khilaafka ka dhashay moshinkii Madaxweyne…

December 10, 2018 0 By walaal24

 

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa amray in dhammaan shaqaallaha kala duwan ee Golaha Shacabka aysan ka qeyb qaadan karin khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka.

Ujeedada amarkan ayuu ku sheegay in looga gol leeyahay ilaalinta Hantida Qaranka iyo sugidda ammaanka xarunta Golaha.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray u aqriyay Warbaahinta ayaa sheegay waxa uu ku go’aamiyay.

1: In Maamulka Golaha ee uu ugu sareeyo xogheyaha Golaha uu mas’uul ka yahay howl socod siinta Go’aamadii ka horeeyay khilaafka, isla markaana uusan fulin karin G’aamo Maamul iyo maaliyadeed oo aysan ka wada tashan Xafiiska Guddoonka ka wada tashan.

2: In Xildhibaanada kala aragtiyada duwan aysan u isticmaali karin kulamadooda siyaasadeed hoolka shirarka ee Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Waxaa muuqata inuu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka, maadaama hadalo xanaf leh ay warbaahinta isku marinayaan xubnaha iska soo horjeeda.

 

Halkan hoose ka dhageyso Gudomiye ku xigenka labaad:-

Facebook Comments