Magaalada Beydhabo oo lagu arkayo Ciidamo kala gedisan aadna u hueysan  cabsina laga daremayo

Magaalada Beydhabo oo lagu arkayo Ciidamo kala gedisan aadna u hueysan cabsina laga daremayo

December 4, 2018 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeesan oo kala taabacsan qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah magaalada Baydhabo iyaga oo aad u hubeesan , waxaana jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada hubeesan ee kala taabacsan musharaxiinta.

Warar kale waxay sheegayaan in ay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay magaalada Baydhabo iyo shirar kala duwan oo halkaasi ka socda, waxaana doorashada si weyn isugu haya Musharax Mukhtaar Robow Abuu Mansuur iyo Musharaxa taageerada dowlada heesta ee Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sida wararka laga soo sheegaayo in Ciidamo badan oo taageersan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa soo buux dhaafiyay magaalada Baydhabo, waxaana jirta cabsi laga qabo in ciidankan isku dhacaan ciidamo kale oo magaalada jooga.

Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale lagu arkayaa ciidamo cusub oo dowlada geysay magaaladaasi, waxaana jira cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidankan cusub iyo kuwa horey u joogay magaalada oo taabacsan Musharaxiin kala duwan.

Cabsida xoogan waxay timid markii sadexaad oo dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa xiisad ka abuurtay magaalada Baydhabo, waxaan dowlada federaalka lagu eedeeyay in ay faro galin ku heyso doorashada.

Facebook Comments