Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo booqasho ku jooga Jabuuti

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo booqasho ku jooga Jabuuti

December 3, 2018 0 By walaal24

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumara Geele  ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Tibor P. Nagy oo xalay soo gaaray magaalada Jabuuti.

Kulanaka oo aad ay uga wadahadleen isbadalada siyaasadeed ee baryahan oo aadka u saameeyay degmadan Geeska Afrika, iyadoo dhinaca kalana si xoogleh uga wada hadleen isbaheysiga u dhaxeeya sadaxda Dale e ka tirsan Geeska Afrika Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretereeya, iyadoo Jabuuti qeyb ka aheyn isbaheysiga.

Madaxweynaha Jabuuti iyo kaaliyaha arimaha Afrika xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka waxay si kaloo gaar ah uga wadahadleen xaalada ay isugu soo dhawaan doonaan si heshiis rasmi ah labadooda dhinac ku wada qanacsanyihiin lookala dhaxdhigo Jabuuti iyo Eretereeya.

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen xaalada Soomaliya iyo weerarada xoogan ee xarakada Al-shabaab ay ka wadaan Soomaaliya gudaheeda, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo aad looga dhowray Saxaafada waxaa ka qeybgalay labada dhinac Jabuuti iyo Mareykanka Wasiirka Arimaha Dibada  iyo danjiraha Mareyka u fadhiya Jabuuti,  iyadoo mas’uuliyiintaas ay ka fogadeen iney jeediyaan wax hadal ah oo laxiriira kulankan

Facebook Comments