Dib u dhis lagu sameynayo Buundada Xawaadle Gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hirshabeele

Dib u dhis lagu sameynayo Buundada Xawaadle Gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hirshabeele

November 27, 2018 0 By walaal24

 

Buundada ayaa ah mid siweyn u bur-burtay, iyadoo dhibaatooyin xoogan Ku qabaan Gaadiidka, Dadka iyo duunyada isticmaalo, burburna ka muuqda buundada kutaala tuulada Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka SHabeelada Dhjexe ayaa waxaa soconaya qorshayaal iyo dadaalo la doonayop in dib loogu dhiso muundadasi.

Buundada ayaa ah mid siweyn u bur-burtay waxaana dhibaatooyin Kuqaba gaadiidka,dadka iyo duunyada isticmaalo.

Ururka iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee UDHIS oo ka jawaabaya codsi iyo baaqyo kaladuwan oo ugu yimid dadka Deegaanka ayaa bilaabay dayactir uu kusameynaayo buundada,Iyagoo sidoo kale ugu deeqay dhammaan qalabkii lagu Sameynaayo.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Ururka iskaashatooyinka qaranka Soomaaliyeed ee Udhis Cadceed Cusmaan Shuuriye ayaa sheegay in qorshohoodi uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska buundadaasi oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

“Waxaan ugu talagalnay in aan ka qeyb qaadano sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa buundadan burbursan,buunadaan oo muhiim u ah isu socodk adadka iyo gaadidka,ururka iskaashatooyinka Qaranka wuxuu diyaar u yahay in uu ka wajawaabo baaqii dadka deegaanka,maadamaa dhibaato ay kajirto halkan”. Ayuu yiri Guddoomiey Cadceed.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Cali Maxamed Muuse oo kamid ah odayaasha dhaqan ayaa ka mahadceliyay dadaalka ururka iskaashatooyinka Qaranka eek u aadan arrintani.

Ururka iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeey ee Udhis ayaa marar Badan sidaan oo kale wax ka qabtay dhibaatooyin heestay Beeraleyda Degmada Balcad haba ugu badnaatee Fataahaada Wabiga Shabeelle.

Facebook Comments