Kooxda Al-shabaab oo duqeyn lagula eegtay Tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalka Jubad Dhexe

Kooxda Al-shabaab oo duqeyn lagula eegtay Tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalka Jubad Dhexe

November 25, 2018 0 By walaal24

 

Kooxda Al-shabaab ayaa duqeyn lagula eegtay Tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalka Jubad Dhexe, halkaas oo ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30 ka tirsan horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab. sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka, ayaa In ka badan 15-kamid ah Alshabaab ayaa dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey, wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab.

Horjoogayaasha Alshabaab ee shirka joogay waxaa kamid ah, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan,

Duqeymaha ayaa maalmahan isdaba joog ahaa, waxaana khasaare badan ka soo gaaraysay Horjoogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga ah ee Soomaaliya.

Facebook Comments