Muqtaar Roboow oo laga hor istaagay xaflad uu ku qabsanlahaa Hotel Bakiin ee magaalada Beydhabo

Muqtaar Roboow oo laga hor istaagay xaflad uu ku qabsanlahaa Hotel Bakiin ee magaalada Beydhabo

November 15, 2018 1 By walaal24

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ayaa sheegaya  Mukhtaar Robow Ali Abuu Mansuur oo laga hor istaagey Xaflad ladonayey in lagu tageero Musharax nimadiisa. iyadoo taageriyasha Mukhtaar Roobow ay ku sugnaayeen Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo.

Ciidamada Booliska oo soogaaray Hotelka ayaa Durbaba Bilaabey in ay Dadkii halkaas isugu yimid kala Ceyriyaan, Ilaalada Robow oo Goobta Ku Sugnaayeen wax dhaq dhaqaaq ah ma’aysan sameynin.

Dadka qaar waxay u arkaan talabadaan in ladoonayo  lagu carqaladeeyo Musharax nimadiisa isagoo  loosadaliyo in uu guleysto Xilka Madaxweynimo maamulka Koonfur Galbeed.

Sidaas darteed warar aan la hubin waxay Shegayaan in Robow is casili doono naadama culeysyo Kaga imanayo dhanka  Dowlada Somalia  balse aan la xaqiijin karin in uu is casili doono

 

Facebook Comments