Wafdi Heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Turkiga oo Berri Muqdisho kusoo wajahan

Wafdi Heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Turkiga oo Berri Muqdisho kusoo wajahan

November 6, 2018 Off By walaal24

 

Wafdi Heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar oo Berri Muqdisho kusoo wajahan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, wafdiga uu hogaaminayo waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

Facebook Comments