Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo shaqo joojin lagu sameeyey

Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo shaqo joojin lagu sameeyey

October 17, 2018 0 By walaal24

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada looga joojiyey Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Khaliif Diiriye.

Wareegtada Shaqada looga joojiyey Mudane Maxamed Khaliif ayaa lagu xusay in Ra’iisul wasaare Kheyre oo tixgelinayo Waraaq codsi ah oo kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu meel mariyey Ra’iisul Wasaaraha Shaqo ka joojinta Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wareegtada kasoo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wargeliyey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka in waajibaadkiisa shaqo uu u guto si hufan oo Waafaqsan Dastuurka iyo Sharruucda dalka. 

 

Warar hoose oo la helay ayaa sheegaya in sababaha dhaliyay in Shaqa joojin lagu sameeyo Wasiir ku xigeenka ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa  dhawaan Hay’adda NISA oo ku eedeysan in uu jiro Xildhibaan u fududeynayay Shabakad ku howlaneed dhaqista Dollarka been abuurka ah oo lagu qabtay Garoonka Aadan Aadan-Cadde.

Hey’adda NISA ayaa Shabakada la qabtay waxa ay xilligaas ku sheegtay in xildhibaankaan uu u sahlayay fududeynta howsha ay wateen,sidaasina Maanta Shaqada looga joojiyay,waxaana haatan Su’aalo weeydiinaya Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya.
Waa Wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo Shaqada looga joojiyo arrimo la xiriira ku lug lahaanshaha Shabakad ku Shaqeysan jirtay dhaqida dollar been ahuur ah

Facebook Comments