Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo New York uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee Qaramada Midaabay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo New York uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee Qaramada Midaabay

September 22, 2018 Off By walaal24

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Dalka Mareykanka.

Wasiirka iyio wafdiga uu hogaaminayo ayaa halkaasi uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee 73-aad ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha JFS, isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Facebook Comments