Markabkii ugu horeeyay ee laga leeyahay Wadamka Ethiopia ayaa ku xirtay Dekada Eriteria

Markabkii ugu horeeyay ee laga leeyahay Wadamka Ethiopia ayaa ku xirtay Dekada Eriteria

September 5, 2018 Off By walaal24

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegayo Markabkii ugu horreeyay ee laga leeyahay Wadanka Ethoipia ayaa ku xirtay dekadda Eritrea ee Masawa mudo 20 sano ah ka dib, sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii Luulyo kala sixiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dadaaka ay Ethoipia oon aan Deked lahayn  doonaysana in ay isticmaasho Dakadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka u dhaxeeyay ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaas oo galaaftay tobannaan kun oo ruux.
Markabka ayaa ka yimid Sucuudiga, sida ay Twitterka ku baahisay warbaahin gaar loo leeyahay.

Facebook Comments