Dhageyso: Nabad Sugidda Jubbaland oo Kismaayo ku soo bandhigay nin ka tirsan Shabaab iyo Miinooyin uu watay

Dhageyso: Nabad Sugidda Jubbaland oo Kismaayo ku soo bandhigay nin ka tirsan Shabaab iyo Miinooyin uu watay

May 27, 2018 Off By walaal24

 

Hawlgal amniga ku saabsan oo ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka Galbeed ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay ku soo qabteen nin lala xiriiriyay inuu Shabaab ka tirsan yahay iyo qaraxyo miinooyin ah. 

Ninkaan ayaa Saxaafadda waxaa loogu soo bandhigay Magaalada Kismaayo, kadib markii iyaga iyo miinooyinkooda Taliska ciidamada NISA ee Jubbaland lagu soo bandhigay. 

Col. Axmed Muuse Madaxa dambi Baarista Ciidamada Nabada Sugidda Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay hawlgal laga sameeyay dhanka Galbeed ee Magaalada Kismaayo in lagu soo qabtay shaqsiyaadkaan ka tirsan Shabaab. 

“Waxaa halkaan ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ku soo gudbinayaa in C/fataax Xaashi Cabdi uu ka tirsan yahay Shabaab, waxaana loo soo diray waxyaabaha qarxa ee halkaan aad ku aragtaan oo Shabaab ay ugu talo galeen in Bisha Ramadaan ay ku qarxiyaan shacabka Jubbaland.” Ayuu yiri Col. Axmed Muuse. 

Duleedyada Magaalada Kismaayo, ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca miinooyin iyo qaraxyo Shabaab ay aasaan.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso Sargaalka:-

Facebook Comments