Dhageyso: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlaya dagaalkii saakay ee degaanka Tukaraq

Dhageyso: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlaya dagaalkii saakay ee degaanka Tukaraq

May 24, 2018 Off By walaal24

 

Wasiirka Warfaafinta dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hadda la hadlay Warbaahinta dawladda ayaa xaqiijiyay in Puntland ay guulo waa wayn ka gaartay dagaalkii saaka oo uu tilmaamay inuu wali socdo.

Qarjab waxa uu sheegay in farisimihii maamulka Somaliland ay ku sugnaayeen gabi ahanba Puntland ay la wareegtay , ayna 10KM dhanka dhinaca Laascaanood u riixeen, waxa kaloo uu sheegay inay gaarsiiyeen dhimasho badan, dhaawac badan, maxaabiis laga qabtay iyo gaadiid dagaal oo qaar la qabtay kuwana la gubay.

Khasaaraha dhanka Puntland soo gaaray wasiirku ayuu sheegay inuu yar yahay, isla markaana Ciidamada Difaaca Puntland ay dhaafeen Tuka-raq sida uu sheegay wasiirku.
Halkan hoose ka dhageyso Wasiir Qarjab:-

Facebook Comments