Dhageyso: Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo shaaciyay tiradda iyo xiliga Ardeyda u fariisaneysa Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2017-18

Dhageyso: Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo shaaciyay tiradda iyo xiliga Ardeyda u fariisaneysa Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2017-18

May 16, 2018 Off By walaal24

 

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo shir jaraid ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay Tirada iyo xiliga Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay diyaaar garow xoogan ku jirto.

“Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha Tacliinta sare waxay ku jirtaa Diyaargarow aad u weyn oo lagu doonayo ka mira dhalinta howlaha Imtixaan, Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda waxaa dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18 ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadiga”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in 27,600 oo arday ay sanad dugsiyeedkan u fariisaneyso Imtixaanka, iyadoona lagu kala gali doono in ka badan 120 Xarumood oo ka tirsan Gobalka Benaadir iyo Afar Maamul Gobaleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 1400 oo arday oo la qorsheynayay inay Imtixaanka Qaran ku galaan Beledweyne uu dib ugu dhacay Fatahaada Wabiga Shabeelle awgiis, isagoo shaaciyay inay dib ka gali doonaan.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso Shirka jara’id ee wasiirka:-

Facebook Comments