Dhageyso: Gudomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray muwadiniinta Soomaaliyed gaar ahaan dhalinyarada

Dhageyso: Gudomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray muwadiniinta Soomaaliyed gaar ahaan dhalinyarada

May 16, 2018 Off By walaal24

 

Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sh C/raxmaan oo xalay ka qeyb galay Munasaabad lagu xusayay sanad guuradii 75 ee kasoo wareegtay aas aaskii dhalinyaradii SYL oo ku beegneed 1943 ayaa hambalyo u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.

Mudane Maxamed Mursal Sh. C/axmaan  Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliyeed ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  ayaa sheegay in dhaliyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Qaranka ayna iska ilaaliyaan fikradaha ay faafinayaan maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab kuwaas ku howlan bur burinta Dalka.

Xuska 15-ka May oo xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay  Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Ssoomaaliya , Duqa magaalada Muqdisho, Wasiirro ay  ugu horeyso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha,Xildhibaanno iyo marti sharaf kala duwan.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso habalyada Gudoomiyaha:-

Facebook Comments