Dhageyso: Faah faahin Ciidamadii  jabsadaan Baqaarka hubka ee Xerada Jenaraal Gordan iyo sidey wax u dhacen

Dhageyso: Faah faahin Ciidamadii jabsadaan Baqaarka hubka ee Xerada Jenaraal Gordan iyo sidey wax u dhacen

April 24, 2018 Off By walaal24

 

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Duhurnimadii shalay oo  ay Jabsadeen baqaarka Hubka Xerada Jenaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Balse waxaa is hortaagay qaar ka mid ah Ciidamadii ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ee ku sugan Xeradaasi, kadibna waxaa u gurmaday Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga oo gabi ahaan la wareegay Xeradaasi.

Ugu yaraan illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Iska hor imaadkaasi, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamdii soo boobka ka geystay Xerda Jenaraal Gordan oo wata lix gadiidka Tignikada Cabdibilaha kana tirsanayeen Ciidamada Meleteri lagu eedeyay inuu horkacayay Taliyihii dhawantaan loo magacaabay Xerada Jenaraal Gordan.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso:-

Facebook Comments