Dhageyso: Taliyaasha Ciidamada oo ku eedeyay  wixii Maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka in ay leeyihiin Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad

Dhageyso: Taliyaasha Ciidamada oo ku eedeyay wixii Maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka in ay leeyihiin Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad

April 4, 2018 Off By walaal24

 

Taliyeyaasha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay Ciidamadii la sheegay in ay la waregeen Xarunta Golaha Shacabka kuwaas oo la tilmaamay in ay ka amar qataan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,iyo ku Xigeenkiisa 2-aad ee Mahad Cabdalla Cawad.

 Taliyaha Ciidamada Booliska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada qabsaday xarunta Golaha Shacabka ay wateen hubka Nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana Ciidamadii ilaaladda ka ahaa xarunta ay siidaayay Ciidamadaasi si aysan dhibaato u dhicin, taas oo u suura gelisay in Ciidamada ay la waregeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uuna sidoo kale tilmaamay in Mas’uuliyadda wixii Maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka uu leeyahay Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General C/Wali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in ay baaritaano ku sameynayaan Ciidamadii la sheegay in la waregeen Xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana waxa uu Edeeyn kulul dusha kaga tuuray Guddoomiyaha Barlamaanka Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

 

Halkan hoose ka dhageyso Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Meletariga:-

Facebook Comments