Dhageyso: Gudoomiye Jawaari oo beeniyay in ciidamo isaga taageersan ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka

Dhageyso: Gudoomiye Jawaari oo beeniyay in ciidamo isaga taageersan ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka

April 4, 2018 Off By walaal24

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir Jaraa’id Goordhaw ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan isaga ay Maanta qabsadeen xarunta uu ku shiro Golaha Shacabka, islamarkaana ay xildhibaanada u diideen in ay gudaha galaan xarunta.

waxa uu beeniyay in ciidamo isaga taageersan ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka, waxaana uu tilmaamay in xarunta uu la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa.

Sidoo kale waxa uu Baaq udiray Taliyeyaasha ciidamada isagoo u sheegay in aysan ku dhex milmin siyaasadda Wareersan, Balse ay wax ka qabtaan Howlaha Amniga.

Hadalka Guddoomiye Jawaari ayaa ku soo aadaya xili ku-xigeenkiisa 1-aad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey oo isna Saxaafadda Goordhaweyd lahadlay waliba uu eed kulul dusha uga tuuray Gudoomiye Jawaari.

 

Halkan hoose ka dhageyso Gudomiye Jawaari:-

Facebook Comments