Dhageyso: Xildhibaano taagersan Jawaari oo maanta shir ku yeeshay magalada Muqdisho

Dhageyso: Xildhibaano taagersan Jawaari oo maanta shir ku yeeshay magalada Muqdisho

April 2, 2018 Off By walaal24

 

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku shiray Muqdisho, kuwaas oo ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada la magac baxay Badbaadada baarlamaanka oo goordhow kulan ka yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Halka ay wax marayaan oo ku aadan Dadaaladii Madaxweynaha iyo Mooshinka Jawaari.

Xildhibaanadan iyo marti sharaf kale ayaa Kulan qado ahaa oo ay isugu yimaadeen kadib, waxey Faahfaahiyeen waxyaabaha ka soo baxay kulankii ay uga hadlayeen, qorshaha marxaladda xigta, arrimaha barlamaanka ee taagan, nabadgalyada dalka & xaaladda xuduudaha dalka ka soo korortay.

Xildhibaanada ayaa ka digay, Kulanka Arbacada ee Baarlamaanka lagu horkeenayo Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Kaa soo baaqsaday Sabtidii maadaama Madaxweynaha soo jeediyay in Kulanka Baarlamaanka la hakiyo.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa tilmaamay in hadii kulankaasi uu qabsoomo ay ka dhigantahay in meel la iska dhigay dadaaladii uu Madaxweynaha waday ee ku aadaneyd xal uhelista Khilaafka ka dhashay Mooshinka 14-Kii Bishii hore laga keenay Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa Xildhibaanadii kulankaa ka ahdlay, ayaa Sharci daro ku tilmaamay Warqada ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/wali Muudeey ee Shaqa Joojinta loogu sameeyay Xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Buux, Midkalana booskiisa sida KMG-ka ah loogu dhiibay.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaanada:-

                       

 

Facebook Comments