Dhageyso: Gudoomiye Jawaari oo  faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa

Dhageyso: Gudoomiye Jawaari oo faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa

March 31, 2018 Off By walaal24

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

Guddoomiyaha oo goor dhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta loo hakiyay codsi ka yimid Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe illaa waabarigii kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka.

“Aniga iyo labadeyda kuxigeen waxaan la kulanay Madaxweyne Faramajo, wuxuu soo jeediyay in kulanka maanta la hakiyo, si xaalada loo dejiyo, anagana dhamaanteen kawada aqbalnay soo jeedinta Madaxweynaha, sida xigmada leh u soo jeediyay in kastoo mashquul ahaa maal mahaan”.

Guddoomiye Jawaari oo ka dhawaajiyay inay ogolaadeen wixii khilaaf ee jira xal laga gaaro, isla markaana loo turo shacabka, isla markaana midnimada iyo wadajirka Baarlamaanka lagu dadaalo.

Wuxuu intaa ku daray in wixii la sameynayoa iyo meeshii horey looga sii socanaayo dib laga soo sheegi doono, angoo qadarinay si loo helo xasilooni siyaaasadeed .

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Jawaari:-

Facebook Comments