Dhageyso: Maamulka Degmada Buurdhuubo oo sheegay iney iska caabiyeen weerar kaga yimid Al-shabaab

Dhageyso: Maamulka Degmada Buurdhuubo oo sheegay iney iska caabiyeen weerar kaga yimid Al-shabaab

March 20, 2018 Off By walaal24

 

Maamulka degmada Buurhuube ee Gobolka Gedo oo ka warbixiyay dagaalkii  xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay xira Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Buurdhuubo ayaa mudo kooban socday, waxana Maamulka ay sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo Xasan Muxumad Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen mid ka mid ah Xarumaha Maamulka balse ay weerarkoodii fashiliyeen.

Wuxuu kaloo sheegay in dagaalkaas uusan geysan wax khasaaro ah dhankooda, waxa uuna beeniyay warka soo baxay Al-Shabaab oo lagu sheegay in mudo kooban ay qabsadeen degmada Buurdhuubo.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Gudoomiyaha:-

Facebook Comments