Dhageyso: Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay amarkii ka soo baxay Al-shabaab

March 7, 2018 Off By walaal24

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka sheegaya in Al shabab Dagmooyinka qaar ay ka mamnuuceen in lagu ciyaaro kubadda Cagta taasi oo la yaab ku noqotay qaar kamid ah shacabka Muqdisho.

kulan maanta ka dhacay magaladda Muqdisho oo ay Goobjoog ka ahaayeen Raysil wasare ku xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa lagu soo hadal qaaday wararka sheegaya in Al-shabab ay garoomadda qaar ee ku yaala Muqdisho ka mamnuuceen in lagu ciyaaro kubadda Cagta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in weli dalka aysan ka dhicin in dhalinta Ciyaara Kubadda Cagta ay cabsi qabaan in laga joojiyo Ciyaaraha.

“majiri jirin in koox nabad diid ah ay soo saarto amar ah in la joojiyo ciyaarta kubadda Cagta ee Muqdisho,majir jirin in looga baqo in la qarxiyo Garoomada lagu Ciyaaro,majiri jirin qof Dhalinyarada iyo ciyaaraha u dhaq dhaqaaqa in uu ka walwalo amnigiisa lafihiisan uu u baqo,laakin ogaada amniga muhiim ayuu inoo yahay waana mid horseedka u noqda horumarka ayuu yiri R’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka”

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in Degmooyinka Deeyniile, Hurwaa, iyo Yaaqshiid Garoomada Kubbada Cagta lagu Ciyaaro ee loo yaqaano Salaxa ay mamnuuceen Al-Shabaab,iyaga oo la xiriiray Milkiilayaasha Garoomadaas.

Halkan hoose ka dhageyso Ra’iisal wasaare ku xigeenka:-

 

Facebook Comments