Taliye ku xigeenka ahna ku simaha Taliyaha NISA oo lagaliyay xabsi Gurri, baritaan uu kusocdo

Taliye ku xigeenka ahna ku simaha Taliyaha NISA oo lagaliyay xabsi Gurri, baritaan uu kusocdo

February 19, 2018 0 By walaal24

Sida wararka nagu soo gaaray ayaa  sheegayo in Xabsi guri la galiyey Taliye ku xigeenka ahna ku simaha Taliyaha ee Nabad sugida qaranka Soomaliya kaa oo la sheegay in la qabtay isagoo ka duuli  rabay garoonka caalamiga ee Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Kusimaha Taliyaha oo lagu magacaabo Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa lagu qabtay  isagoo  Eraboorka Muqdiaho kala duulaayo Hal Malayn oo Doolarka Mareykanka  isagoona u socday dalka Turkiga.

Gabar ka tirsan Nabada sugida Qaranka ayaa  qabatay  taliye  Jaamac oo si aan sharci aheyn lacagtaas ka duulin rabay magaalada Muqdisho, ku simaha Taliyaha ayaa horay u ahaa Sakarataariyaha safaarada Soomalida ee dalka Turkiga waxaana socda Baritaan dheer sababta lacagta intaa la eg  ee sharcidarada ah uu dalka uga saraayey

Dowlada Soomaliya ayaa  horay u sheegtay in ay dagaal kula jiraan masu maasuqa taa  oo hada ka dhigeysa in Xabsi guri la galiyo Taliye sare oo ka tirsan  heyda ugu sareysa dalka ee Nabad sugida waxaana la dhihi karaa guul u soo hooyatay, kuna howlan ladagalanka Musuq maasuqa.

Hanti dhowrka Dowladda oo amray in la xayiro wixii dhaqaala ah ee NISA ay leedahay, iyadoo madaxda Bangiga lagu amray ineysan bixin karin dhaqaalaha loo qoondeeyay NISA, inta ay baarista socoto.

Facebook Comments