Dhageyso: Wafdi ka socda Dalka Qatar iyo Wasaarada Qorsheynta boqasho ku tagay wadoyinka isku xira Muqdisho & Jowhar, Muqdisho & Afgoye

Dhageyso: Wafdi ka socda Dalka Qatar iyo Wasaarada Qorsheynta boqasho ku tagay wadoyinka isku xira Muqdisho & Jowhar, Muqdisho & Afgoye

February 14, 2018 0 By walaal24

Wafdi ka socda Dowlada Qatar oo soogaar maglada Muqdisho ayaa kormeer ku tagay wadooyinka soo gala magalada Muqdisho oo ka kala yimada Afgooye iyo Jowhar ayagoo raba iney bilaabaan dhismo wadooyin laami ah oo isku xira Magaalada Muqdisho Afgooyr, Muqdisho iyo jowhar oo ay horay ugu wada heshiyen labada dowladood waxana la filaya in dhawaan uu bilowdo.

Waxaana kormeerka ay ku tagen labada wado soo gasha Muqdisho ku wehlinayay Wasiirka Qorsheyta XFS, halkaasna ka hadlay, ugana mahad celiyay, Dowladda Qatar mashariicda ay dooneyso iney ka fuliso labada wado soo gala maglada Muqdisho

Mas’uuliyiinta ka socday Qatar ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo fulin lahaa mashaariicda dhismaha waddooyinka, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo dhowaan la bilaabi doono iyo mashaariic kale.

Illaa 200 milyan oo dollar ayaa ku baxaya mashaariicda ay ka Qatar ka fulineyso Soomaaliya, sida wadada isku xirta Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, xarumo loo dhisayo dowladda iyo mashaariic kale oo horumarineed.

 

Halkan hoose ka dhageyso:-