Dalka Kenya shir wadahadal  uga furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF

Dalka Kenya shir wadahadal uga furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF

February 12, 2018 Off By walaal24

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ka furmay wadahadal u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF oo dagaal kula jirtay Dowlada Itoobiya .

Dowlada Kenya ayaa garwadeyn ka ah wadahadalka u furmay Jabhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya, waxaana wadahadalka Dowlada Itoobiya ku matalaya Madaxweynaha Dowlada deegaanka Soomalida iyo Generaal Gabre halka ONLF shirka ku matalayaan xubno sare oo kamid ah.

Wadahadalkan u furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa diirada lagu saarayaa sidii labada dhinac heshiis u gaari lahaayeen kooxda ONLF-na u joojin laheyd dagaalka sanadaha ah ay waday.

Jabhada ONLF ayaa ka dagaalanta Soomaali Galbeed , waxa ayna kooxdan u dagaalameysaa sidii Soomaali Galbeed uga go’i laheyd dalka Itoobiya una noqon laheyd maamul madax banaan.

Facebook Comments