Sawiro: Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo Muqdisho Dagaal ku dhexmaray

Sawiro: Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo Muqdisho Dagaal ku dhexmaray

February 8, 2018 0 By walaal24

Ciidamo kawada Tirsan Dowlada Soomaaliya Soomaaliya ayaa Duhuradii Maanta isku Rasaaseeyn waxa ay ku dhexmartay Wadada Lamiyaha Soobe ee dhanka Degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir kuna beegneyd xiliga Salaada Duhur.

Israsaaseynta ayaa waxa la tilmaamay in ay timid kadib markii Ciidamada xasilinta ay isku dayeen in ay Xoog ku galaan Xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku taala meel aan ka Fogeyn Isgoyska 14 Ocoter,EX:Soobe kadibna ay arintaas ka biya diideen Ciidamada ilaalada ka ah Xarunta Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare, sidaasna ay labada Ciidan ay Israsaaseyn kooban halkaas ku dhexmartay labada Ciidan, qofna wax ku noqday ma jiraan dhamaan, labada ciidan halkaa ku dagalamayay, shacabkii wadada marayayba iyo Gadiidkii wadadaas isticmaalyay .

Intaa ka dib halka israsaaseyntaas ka dhacada waxaa soo gaaray Taliyaha Booliska Saldhiga Hodan kuna guuleystay israsaaseyntii ku dhaxmareysay labada Ciidan ku kala qaado, markii danbana si nabad ah gudaha u galeen taliyaha iyo qeeb ka mid ah Ciidamadii ka socday Xasilinta.

Mana jiraan wax war oo ka soo baxay dhanka Dowlada israsaaseyntii dhaxmartay Ciidamada Xasilinta iyo ilaaladii Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare.

 

 

 

Facebook Comments