Howlgal Ciidamada Xooga oo Kooxda Al-Shabaab looga soo furtay seddax carruur oo ka dhacay degmada Ceelbuur

Howlgal Ciidamada Xooga oo Kooxda Al-Shabaab looga soo furtay seddax carruur oo ka dhacay degmada Ceelbuur

February 5, 2018 0 By walaal24

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Col,Nuur Hassan Guutaale oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay iney socdaan howlgalo lagu baacsanayo Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab, isagoona tilmaamay in Ciidamada Xoogga dalka si gaar ah howlgalka uga fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Col. Nuur Hassan Guutaale inta uu howlgalka socday iney Ciidamada Dowladda Soomaaliya u suurta gashay iney gacanta Al-Shabaab ka soo badbaadiyaan seddax carruur ah, kuwaasi oo ay Al-Shabaab doonayeen iney xagjireeyaan.

Carruurta la soo badbaadiyay oo gaarayay saddex carruur ayaa hadda waxaa gacanta ku haya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dhaqan celin loo sameynayo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa balan qaaday in carruurta maleeshiyaadka Al-Shabaab laga soo furtay loo gudbin doono Waalidkii dhalay si ay mar kale ula midoobaan.

Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab ayaa culeys dhanka Militariga ah kala kulmaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana hadda laga riixay deegaano badan oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.