Sawirro: Taliyaha qeybta 43 aad oo tababar usoo xeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Sawirro: Taliyaha qeybta 43 aad oo tababar usoo xeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

February 4, 2018 0 By walaal24

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga qeybta 43Aad ayaa maanta tababar waxaa loogu soo xiray xerada madhamaato ee duleedka magaalada kismaayo.

Ciidamo gaaraya 150 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa tababar loogu soo xiray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Tababarkan ayaa socday muddo 15 maalmood ah,waxaana askartan la barayay shiishka ama toogasha meelaha dhaadheer wax laga toogto.

Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya Jen.Ismaaciil Saxardiid oo munaasibadda tababarka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadaas la baray sida loo toogto waxa uu ku sheegay cadowga islamarkaana ay tababarka bixiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Jubbaland.

 Xeritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo AMISOM

Taliyaha qeybta 43Aad wuxuu kaloo  sheegay in ciidamada maanta tababarka u dhamaaday la baray sharuucda dagaalka

Sidoo kale taliye saxardiid waxa uu sheegay in dhawaan ciidamadaan ay howlgal ay ka bilabayaan degaanada Al-shabaab ka joogaan jubbaland

Facebook Comments