Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhigyo AMISOM ay ku lahayeen Gobolka Shabeelaha Hoose

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhigyo AMISOM ay ku lahayeen Gobolka Shabeelaha Hoose

February 4, 2018 0 By walaal24

Warar naga soogaaray Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ay Dagalamayal Al-shabaab werar ku qadeen saldhigyo Ciidamada AMISOM ay ku lahayeen Gobolka Shabeelaha Hoose,  sida ay sheegeyn dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa dhacay Labo waqti oo kala duwan waxaana lagu qaaday Saldhigyo Ciidamada AMSIOM ayaa ku leeyihiin Deegaanada No. 60 iyo deegaanka Danow ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ugu horeeyay ayaa ka dhacay deegaanka No. 60 ee gobalka Shabeelaha Hoose saldhig ay daganaayeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Uganda,  halka weerarka kale uu ka dhacay deegaanka Danow ee gobalka Shabeelaha Hoose saakay Aroortii hore.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aysan ogayn inta uu la egyahay Khasaaraha balse uu jiro dagaalka, kaas oo socday mudo kooban, waxaana uu ubadnaa madaafiic iyo dagaal culus.

Dhinaca kale Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen kuna dileen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda.

Ma jirto cid ka madaxbanaan sheegashada Al-shabaab oo xaqiijineysa khasaaraha halkaas ka dhacay.

Facebook Comments